Friday, May 1, 2026
27 C
Mogadishu

UPDATE: Xiisad weli ka taagan dilkii ka dhacay Dhuusamareeb iyo NISA oo la wareegtay amniga Senator Dhagey & …

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli ay xiisad ka taagan tahay magaaladaasi, kadib markii sabtidii lagu dilay nin dhalinyaro ahaa, lagana garanayay magaalada.

Shaafici Xaaji Diiriye ayaa u geeriyooday rasaas uu huwiyay mid ka mid ah ilaalada Senetor Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey), oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Arrintan ayaa xiisad ka abuurtay Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii ehelada marxuumka iyo dadka reer Dhuusamareeb ay si weyn uga horyimaadeen macno la’aanta lagu dilay ninkaasi.

Xoogaga Nabad Suggida ayaa soo xiray askarigii dilka gaystay, balse taasi maynaan qancin dadkii deegaanka, waxaana ay ehelada marxuumka sheegeen inaanan la aasi doonin, illaa iyo inta sharciga laga waafajinayo askarigii dilay.

Suxufiyiinta ka hawlgala Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo warramaya in fiidkii xalay rasaas laga maqlay magaalada, taa oo qayb ka ah carrada xoogga lihi ee falkaasi ka dhashay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidanka Nabad Suggida ay u baqeen amniga Senetor Yuusuf Geelle Ugaas iyo ilaaladiisii, waxayna xilligan ku hayaan Xarunta INJI, oo ay saldhig ka samaysatay Nabad Suggida Galmudug.

Ciidamada Dowladda ayaa lagu dhaliilay in ay Magaalada Dhuusamareeb geeyeen dilalka qalqalgelinta ah, ee ay ka gaystaan magaalooyinka kale ee dalka, isla-markaana ay Dowladda Federaalka ka arrimiso.

Si kastaba, tan iyo markii Ciidamada Dowladda lagu wareejiyay Magaalada Dhuusamareeb (bishii November) ayaa waxaa magaaladaasi ku soo badanayay dilalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...