Friday, May 1, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweyne Saciid Deni oo sheegay inay qaateen tallaabooyin la xiriira Fayraska Corona (COVID-19)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni

Garowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Cudurka dilaaga ah ee Coronavirus oo dunida si wayn u saameeyay, xilli Saddex kiis laga helay Soomaaliya.

“Caabuqa ‘Coronavirus’ waa khatar dunida ku soo siyaaday sidaas awgeed Dawladda Puntland waxay qaaday talaabooyin looga hortagaayo faafidda caabuqaan inuu dalka ku faafo.” Ayuu yiri Mr. Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa farriin u diray shacabka ku nool deeganada Puntland, waxaana uu ugu baaqay inay si dhab ah u qaataan tallooyinka caafimaad ee la siinaayo.

“Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland waxaan ugu baaqayaa inay qaataan talooyinka Hay’adaha Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha ee Puntland inta suurto gal ah.”

“Waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran, lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo, isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...