Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

JABUUTI oo laga diiwaangeliyay kiisas hor leh oo cudurka Coronavirus

Jabuuti (Halqaran.com) – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa maanta laga diiwaangeliyay kiisas hor leh oo la xiriira caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus, xilli toddobadkii la soo dhaafay laga diiwaangeliyay kiiskii ugu horeeyay.

Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa waxay maanta xaqiijisay in laba qof oo kale laga helay xanuunka sida weyn dunida ugu faafaya ee Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa toddobadkii hore diiwaangelisay kiiskii ugu horeeyay, ka dib markii laga helay mid ka mid ah Ciidamada Militariga Spain, ee 14-kii bishan gaaray dalkaasi. Ciidamadan ayaa ka mid ah Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalama kooxaha burcad badeeda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta sheegay in dhibaatooyinka uu cudurkan ku hayo dunida uu iminka ku soo durgayo Jabuuti.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maalin dhaweyd ay sheegeen kiiskii ugu horeeyay oo dalka laga diiwaangeliyay, hadana laba qof oo kale ay diiwaangeliyeen in laga helay caabuqaasi. Waxa uu intaa ku daray in labadaasi qof ay xaaladoodu tahay mid sahlan, isla-markaana ay gacanta ku hayso Wasaaradda Caafimaadka.

Madaxweyne Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in ay Xukuumadda Jabuuti qaaday tallooyin, ay ku badbaadineyso dadkeeda. Tallaabooyinka ay qaadeena ay ugu horeysay in albaabada la isugu laabo goobaha waxbarashada, dadka Masaajida ku tukadana in ay feejignaan badan sameeyan iyo in dadku ku nagaadaan guryahooda.

Hase ahaatee waxaa uu dadka reer Jabuuti uu ku dhaliilay inaanay weji u bisleen ka hortagga iyo la dagaalanka Coronavirus, iyagoo cudurkaasi u haysta inaanu mid halisba ahayn.

COVID-19 ayaa maalinba maalinta ka dambeysa ku sii fidaya caalamka, iyadoo ay kordhayan dadka uu soo ridanayo iyo kuwa kale ee daqiiqad kasta u geeriyoonaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...