
Garowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaaca ka qaaday in ay wada hadal lagalayaan dawladda Faderaalka Soomaaliya.
Mr. Deni ayaa xusay in kala aragti duwanaansho uun uu kala dhaxeeyo dawladda Faderaalka, isagoo intaa ku daray in dhammaan ay ka wada hadli doonaan arrimahaas dawladda Faderaalka.
Mar uu wareysi siiyay Telefeshinka SAABTV, ayuu sheegay madaxweynaha Puntland in ay daddaal badan galinayaan sidii ay dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhan heshiis u gaari lahaayeen, oo ah Hay’addaha dawladda Faderaalka ee fulinta iyo kuwa dawlad gobaleedyada dalka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu tagayo Caasimadda Muqdisho oo uu la kulmayo madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya, uuna kala hadlayo arrimaha doorashooyinka, tabashooyinka Puntland iyo arrimaha muhiimka ah.
Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ayaa sheegaya in saamileyda siyaasadeed aysan aheyn mucaaradka DF Somaliya, balse ay tahay madaxda dawladda Faderaalka iyo madaxda dawlad gobaleedyada oo kaliya, ayna xooga saarayaan sidii heshiis loo gaari lahaa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





