Wednesday, May 6, 2026
28.1 C
Mogadishu

KENYA ”Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaanu dilnay, midna nolosha baan ku qabanay”

Lamu (Halqaran.com) – Ciidanka Millatariga Kenya ayaa sheegay in ay dileen 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab midna ay qabteen, markii ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku lahaayeen inta u dhexeysa Korisa iyo Bargoni oo ka tirsan Gobol Xeebeedka Lamu.

John Elungata, oo ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka Lamu ee Dalka Kenya ayaa sheegay in xubnaha la dilay uu ka mid ahaa Sarkaal caan ah oo kasoo jeeda Gobolka Xeebta, kaas oo taageero, warbixinno iyo taakuleynba siinayay Xubnaha Shabaab ee ku sugan kaymaha Boni.

Sidoo kale mas’uulkan ayaa sheegay, in ay Al-Shabaab halkaasi uga tageen Saddex qori oo nooca AK-47 ah, Rasaas fara badan, Biyo iyo agab kale oo ay isticmaalayeen waa sida uu hadalka u dhigey.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo dhankoda kasoo baxey Al-Shabaab ee ku aadan warka Kenya ay ku sheegtay in deegaan kamid ah deegaan xeebeedka lamu ay ku dishey Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...