Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Dowladda Somaliya iyo Ururka Iskaashiga islaamka ‘OIC’ oo yeelanaya iskaashi dhinacyo badan leh

Wasiir Cawad iyo Wafdiga Ururka Iskaashiga Islaamka. Photo: Warbaahinta Qaranka

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaiya, Axmed Ciise Cawad, ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi heer sare ah oo ka socda ururka iskaashiga islaamka oo uu hoggaaminayo agaasimaha guud ee waaxda arrimaha siyaasadda ee ururka Danjire Tarig Ali Bakheet.

Kulanka masuuliyiinta ayaa looga wada hadlay iskaashiga labada dhinac ay ka yeelanayaan dhinacyada siyaasadda iyo howlaha la xiriira gargaarka bani aadannimo.

Sidoo kale kulanka waxaa hoosta looga xarriiqay in iyo aragti mideysan ay labada dhinac ka lahaadaan taageerada loo fidinayo dadaallada dib u heshiisiinta Soomaaliya, la dagaallanka argagixsada, dib u dhiska dalka iyo ku garab istaagga xukuumadda Soomaaliya sidii ay xasillooni waarta ugu soo dabbaali lahayd dalka.

Wada hadallada ayaa lagu falanqeeyay isbadalladii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo ammaanka dalka oo saamayn ku leh shaqooyinka uu ururku ka hayo gobolka.

Xafiiska ururka iskaashiga islaamka ee Soomaaliya oo ka shaqeeya arrimaha bani aadannimada ayaa dalka ka howlgalayay tan iyo sanadkii 2011-kii oo ahayd xilli ay dalku ku dhufteen abaaro xoog badan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka sheegay shirkii ururku uu ku qabtay Muqdisho Oktoobartii tagtay in marti gelinta Soomaaliya ee shirkaasi uu astaan u yahay dib usoo kabashada iyo isbadalka wanaagsan ee uu dalku ku tallaabsaday.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...