Saturday, April 25, 2026
28.3 C
Mogadishu

Askari ‘nin shacab ah’ u dilay inuu beer ku fasho oo maxkamadda sare dil toogasho ku xukuntay

Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle

Buullo-Mareer (Halqaran.com) – Maxakamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qisaaasta Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle.

Dable Xoogga dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ayaa loo heystaa dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo dhaawaca Yaasiin Geedow Xuseen, kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho Beer uu lahaa Eedeysanaha oo ku taal magaalada Buullo Mareer 31-kii bishii Oktoobar ee sanadkii tegay.

Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019 Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Xafiska isla xilligaas weydiistay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle garsuge ahaan.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ka sheegay Fadhiga Maxkamadda in Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu ula dhaqmay xoogsatada sidii in ay addooma u yihiin oo kale, Damaciisuna ahaa in uu dilo marxuum Xuseen Axmed Cabdulle inta kalane ay ugu shaqeeyaan si qasab ah, sidaas darteedna uu mudan yahay in la dha-dhansiiyo xanuunka Geerida.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle lagu xukumo dil toogasha ah oo ah qisaaasta Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunsanaha ayaa heysta Fursad 30-cisha oo ku qaadan Rafcaan Xukunka kadib.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...