
Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo walaac xoogan ay dunida kaqabto faafitaanka Cudurka Caronavirus ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur waxa ay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay yareeyaan isu imaatinka iyo shirarka.
Wasiir Fowsiya ayaa ugu baaqday in ay yareeyaan safarada dibada ah ee laga maarmi karo si looga hortago cudurkaas oo hadda soo gaaray waddamada dariska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya.
Sidoo kale, wasiirrada ayaa sheegtay in cudurka uu yahay mid si fudud u faafi kara loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay kawada qayb qaataan dadaalada looga hortagaayo.
Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Sabtidii shalay oo hormuud uga ah hawlaha u diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa qabatay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Deeq-bixiyayaasha, Hay’adaha Qaramada Midooday, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Wasaaradaha ay khusayso.
Halka hoose ka dhageyso codka Wasiirrada Caafimaadka:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





