Saturday, April 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

Shirka Wadatashiga Puntland oo maanta si rasmi ah uga furmay Garowe +(SAWIRRO)

Garowe (Halqaran.com) – Waxaa si rasmi ah magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal uga ka furmay Shirka wadatashiga dowlad gobleedka Puntland, kaasi oo ay ka qeyb gelayaan in ka badan 469 ergo oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Shirkan oo socon doona muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada iyo Xildhibaannada labada Gole ee ku matalaya Dowladda Federaalka, inta badan mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Odayaal iyo Waxgarad iyo dad kale oo lagu Casuumey.

Shirka wadatashiga Puntland ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo la xiriira aayaha Maamulka Puntland, khilaafka Dowladda iyo Maamulka Puntland u dhaxeeya iyo jihooyinka siyaasadeed ee la aadayo maadaama dalka uu galayo xilli kala guur ah.

Inta uu shirka socdo ayaa waxaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Madaxweynaha Puntland oo shirkaan iclaamiyey 8-dii Bishii Febaraayo ee sanadkaan, taas oo uu kaga hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka kala dhaxeeya Dowladda.

Waxaa maanta aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Garoowe, iyadoo magaalada lagu arkayaa Ciidamada Puntland oo ammaanka siweyn u xaqiijinaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...