Saturday, April 25, 2026
28.3 C
Mogadishu

AKHRI: Saddexda qodob ee muhiim ah ee uu madaxweyne Qoorqoor kala hadlay saraakiisha Amniga ee Galmudug

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa shir guddoomiyey shirka Golaha Amniga Galmudug, kaasi oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka.

Kulankii 8-aad ee shirka Golaha amniga waxaa kasoo qayb galay dhammaan xubnaha Golaha, waxaana laga dhagaystay warbixin ku saabsan qorshahooda dhanka amniga iyo siyaasadaha gacan siiya amniga.

Saraakiisha ammaanka ayaa bixiyay macluumaad ku aadan hanaanka suggida ammaanka deegaannada Galmudug iyo qorshaha loo dajiyay xureynta deeganada ka maqan gacanta Maamulka.

Shirkaan ayaa waxaa looga dooday qodobo aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin.

  1. Dardargelinta siyaasada amniga Galmudug.
  2. Fulinta qorsha hawleedka guud ee amniga dalka.
  3. Xoreynta deegamada ay haystaan aragagixisada.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa boggaadiyay sida fiican ee ciidamada iyo Saraakiishooda uga shaqeeyaan suggida ammaanka deeganada Galmudug, islamarkaana uga hortagaan isku dayada Shabaab ee qal qal gelinta ammaanka deegaannada Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...