Nairobi (Halqaran.com) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in la baajiyay Shirkii lagu waday in dhawaan ay ku yeeshaan Magaalada Nairobi Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.
Sidoo kale, wasaaradda ayaa ku dhaawaaqday in la baajiyay shirkii saddex geesoodka ee 16-ka bishan yeelan lahaayeen Madaxda Itoobiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa dib loo dhigay, isla markaana waqtiga cusub ee dhici doono dib laga soo sheegi doono.
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waday in uu maalinta berri oo Sabti ah u ambabaxo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Mutahi Kagwe, wasiirka caafimaadka ee dalka Kenya, ayaa maanta shaaciyay in qof qaba xanuunka Corona laga helay dalkiisa.
Wararka ayaa sheegaya in haweeneyda cudurka lagu arkay ay ka timid dalka Maraykanka, soona martay magaalada London.
Ugu dambeyn, wasiirka caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay in haweeneyda ay hadda xaaladeeda caafimaad wanaagsan tahay, laguna sii heyn doono cisbitaalka ilaa iyo inta ay ka caafimaadeyso.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






