Monday, June 8, 2026
27.5 C
Mogadishu

4 qof oo looga shakiyay cudurka Coronavirus oo lagu karantiilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay karantiishay Afar ruux oo ka yimid dalalka uu sameeyay Cudurka Coronovirus.

Mid ka mid ah dadkaasi ayaa ka yimid dalka Shiinaha, 10-kii Bishaan halka Saddexda kalena ay dalka soo gaareen Maanta sidda ay shaacisay Wasiirka.

Waxa ay sheegtay Soomaaliya inay dadaal ugu jirto sidii uusan u soo gaari laheyn xanuunkaasi, islamarkaana diyaaradaha duulimaadyada dalka u yimaado loo sheegay inaysan dalalka uu saameeyay xanuunkaan dad aysan ka soo qaadin.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay Soomaaliya inay u nugushahay xanuunada kala duwan, sidoo kalena ay jiraan xanuuno dadka ay ka qaadaan maandooriyaha oo si sharcidaro ah dalka ku soo gala.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa shalay ku dhawaaqay in uu hadda jiro in kabadan 118,000 kiis oo COVID-19, cudurka uu sababay fayrasku, 114 dal oo adduunka ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...