Wednesday, July 8, 2026
24.9 C
Mogadishu

UPDATE: Burcad badeed Soomaali ah oo afduubtay markab laga leeyahay UK oo siday alaab muhiim ah

Nairobi (Halqaran.com) – Burcad Badeed Soomaali ah ayaa afduubtay Markab wada 2 Milyan oo Barmiil oo ah Aalkolada Jeermiska lagu dilo iyo 50 kun oo Maasgarada laga xirto Coronavirus.

Kooxda Afduubka geysatay ayaa sheegatay in ay u baahan yihiin madax furasho dhan 50Milyan oo Pounka UK ah, kadibna ay sii dayn doonaan Markabkaasi.

Dowladda UK oo Markabka leh ayaa sheegtay in ay ogoshahay bixinta lacagta Madax furashada ah ee ay sheegteen Burcad Badeedda Soomaalida ah.

Afhayeen u hadlay Dowladda UK ayaa sheegay in ay isla galabta bixin karaan lacagta baahida ay u qabaan Alkolada iyo Maasgarada marka loo eego.

Dowladda UK oo doonaysa inay difaac adag ka gasho Cudurka halista ah ee Coronavirus, ayaa sheegtay inay si dag dag lacagtaasi u bixineyso si ay u helaan agabka saaran Markabka.

Si kastaba, ilaa iyo hadda lama oga halka ay ku haystaaj Burcad badeeda markabka ay qafaasheen, balse Warbaahinta ayaa sheegaysa in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu sii daynaayo Markabkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...