Thursday, June 18, 2026
26.5 C
Mogadishu

Faah-faahin cusub oo ku saabsan weerarro ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin cusub kasoo baxaya dagaallo culus oo deegaannada Raaxoy iyo Ceelka Geelow oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Balcad ee G/Shabeellaha Dhexe ku dhex maray Ciidamada Dowladda iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in kolonyo ka tirsan Ciidamada Burundi oo ka mid ah Amisom weerar jidgal ah ay ku qaadeen xilli ay marayeen deeganka Ceelka Geelow oo u dhow Tuulada Qalimow ee degmada Balcad, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro kala duwan.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay, balse dadka deegaanka ayaa sheegay dagaalka in Amisom Khasaare lagu gaarsiiyay.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxa ay dagaal culus ku qaadeen deegaanka Raaxoy oo Saldhig ku leeyihiin Ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ku dhawaad hal saac inuu socday dagaalkaasi oo labada dhinac rasaas kala duwan isku adeegsadeen.

Ugu dambeyn, saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Ururka Al-Shabaab, khasaarana ay gaarsiiyeen sida ay sheegeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...