Djibouti (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Djibouti ee Xarunta Jabuuti.
Wafdiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Djibouti ku soo dhaweeyay xubno uu horkacayay Maxamed Cali Xumad, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.
Socdaalka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Jabuuti ayaa la xiriira casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Golaha Shacabka uu ku leeyahay Facebook, waxaana lagu wadaa inuu kaga qaybgalo furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jabuuti.
Qoraalka ayaa lagu yiri “Imaanshaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka dambeysay ka dib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalkan, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudada uu dalkan jooggo ka qaybgeli doonnaa furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com









