Saturday, May 2, 2026
28.1 C
Mogadishu

Nin Bajaajle ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Xaafadda Black sea ee Degmada Hodan, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nin dhallinyaro ahaa oo Mooto Bajaaj watay.

Dilka wiilkaan dhalinyarada ahaa, ayaa waxaa ka dambeeyay rag hubaysan oo watay tuutaha Ciidanka dowladda, waxaana dhexmaray wiilka la dilay iyo ragga hubaysan muran.

Raggii hubaysnaa ayaa rasaas ku dhuftay marxuumka, waxayna ka qaateen Moobil uu haystay sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dableydii dilka gaysatay oo ciidan dowladeed ahaa ayaa ka baxsaday goobtaasi, waxaana meesha gaaray Ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Dadkii ka agdhawaa goobta dilka uu ka dhacay, waxa ay sheegeen ragga dilka gaystay inay ahaayeen laba Askari oo tuutaha Ciidanka Militariga watay.

Si kastaba, Dadka ku nool Xaafadda Black Sea iyo Baar Ubax ayaa la kulma tacadiyo kaga yimaada Ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...