Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Hay’adda WHO oo shaaca ka qaaday inay jirto fursad lagu xakameyn karo Feyraska Korona

Nairobi (Halqaran.com) – Hay’adda Caafimaadka Addunka WHO ayaa sheegtay in ay jirto fursad lagu hor istaagi karo in feyraska Korona uu isu bedelo dhibaato caafimaad oo heer calami ah.

Xoghayaha hay’adda, Tedros Adhanom Ghebreyesu ayaa bogaadiyay tallaabooyinkii dowladda Shiinaha ay kula dagallantay kuna xakamaysay feyraska in aanu ka soo tallaabin deegaankii uu ka dillaacay.

Hadalka hay’adda ayaa yimi kaddib markii masuuliyiinta dalka Shiinaha lagu dhaliilay sidii ay ula falgaleen wajigii hore ee fiditaanka feyraska Korona.

Talaadadii shalay oo kaliya ayaa la diiwaan geliyay ku dhawaad 4000 oo xaalado cusub oo feyraskan ah.
Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ilaa iyo haatan tirada dadka u geeriyooday xanuunkan ay gaarayaan 490 qof iyo 24.300 oo kale oo xaladdooda lala tacaalayo.

Wakaaladda caafimaadka Shiinaha ayaa laga soo xigtay in 80% dadka u geeriyooday feyraskan da’doodu ay ka weyneyd 60 sano halka 75% ay ahaayeen dad qaba xanuunnada aan laga bogsan sida macaanka iyo xanuunnada ku dhaca wadnaha. 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...