Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Hay’adda Amnesty International oo dalbatay in xabsiga dib loogu soo celiyo Cabdirashiid Janan

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dawladda Kenya inay qabato Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, isla markaana ay u gudbiso dawladda Soomaaliya si maxkamad loo saaro.

War saxaafadeed ay soo saartay, ayaa hay’adda Amnesty International ay ku sheegtay in Cabdirashiid Janan loo qabtay “dambiyo cuslus” 31-kii August ee sannadkii hore loona baahan yahay in caddaaladda la marsiiyo.

Waxay sheegtay Amensty International inay tahay arrin aan caqligal ahayn in Cabdirashidi Janan oo lagu tuhunsan yahay mas’uuliyadda dambiyo liddi ku ah sharciyada caalamiga ah, iyo kuwa xuquuqda aadanaha inuu ka baxsado caddaalladda.

Waxay ugu baaqday dawladda Kenya inay qabato, si degdeg ahna ugu gacan geliso dawladda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dawladda Soomaaliya inay maxkamadayntiisa ka dhigto mid waafaqsan sharciyada caalamiga ah, iyadoo aan dib loo ridin.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Cabdirashiid Janan ka baxsaday goob lagu hayey 28-kii Jannaayo, isla markaana waxa uu 31-kii Janaayo ka degay magaalada Kismaayo isagoo isla maalintaas diyaarad ku tagay dalka Kenya.

Xigasho – VOA

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...