Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Dad aroos u socday oo qarax miino lala eegtay & khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay

J/Hoose (Halqaran.com) – Ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen baabuur ahaa nooca loo yaqaan caasiga oo qarax miino lagula eegtay jidka u dhexeeya magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, maanta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in baabuurkan ay la socdeen dad rayid ah oo u socday aroos, islamarkaana qaraxan uu qabsaday

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa la sheegay in la geeyey Isbitaalka Dhoobley, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, inkastoo deegaanka uu qaraxu ka dhacay la ogyahay inay si xooggan uga hawlgalaan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Ururka Al-Shabaab ayaa qaraxyo miino waxa ay ku aasaan waddooyinka ay maraan Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...