Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

Duqa magaalada Muqdisho oo maanta kulan muhiim ah la qaatay madaxa Hay’adda Bisha Cas Turkiga + (SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Arbacadii maanta kulan kula qaatay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar wafdi uu hoggaaminayay Madaxa hay’adda Bisha Cas Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mr. Mustafa Sahin Firad.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka arimaha maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir iyo gudoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir iyadoo arimaha looga hadlay ayaa ugu muhiim sanaa horumarinta daryeelka bulshada gaar ahaan quudinta dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska danta yar waxaa sidoo kale wax yaabihii kulankani looga hadlay kamid ahaa xoojinta howlaha kor loogu qaadayo bilic soo celinta Caadimadda.

Kulanka kadib, waxaa warbaahinta la hadlay madaxa hey’ada bisha Cas Turkiga u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr Mustafa Sahin Firad isagoo sheegay in hey’adu ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada arimaha xalka waaro loogu gaarayo barakacayaasha.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay waxyaabihii ay isla meel dhigeen madaxada bisha Cas ee dalka Turkiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...