Monday, April 20, 2026
30 C
Mogadishu

UPDATE: Al-Shabaab oo burburisay Anteenooyinka shirkadda Isgaarsiinta Safaricom

Gaarisa (Halqaran.com) – Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay dagaalyahano ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab inay bur buriyeen anteenooyin Isgaarsiineed oo ku yaalay deegaanno ku dhow degmada Gaarisa ee dalka Kenya.

Anteenooyin ayaa la sheegay Shabaabka inay ku xireen waxyaabaha qarxa, kadibna sidaasi ay ku bur buriyeen, waxaana sidaasi xaqiijiyay guddoomiyaha Magaalada Gaarisa

Guddoomiyaha magaalada Gaarisa ayaa sheegay anteenooyinka  la burburiyay inay la aheyd Shirkadda Safaricom, islamarkaana si aad ah deegaanka looga isticmaalaayay.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Weelmareer oo ay gacanta ku haayeen Ciidanka dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer ku eedeeysay Ururka Al-Shabaab in ay burburiyeen anteenooyinka  ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Safaricom ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...