Saturday, May 30, 2026
27.6 C
Mogadishu

Ajaaniib Al-Shabaab ah oo laga soo qabtay Gobolka Jubbada hoose iyo Agab ciidan & Bambooyin laga helay..

Afmadoow (Halqaran.com) – Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Saacadahii lasoo dhaafay Saddex xubnood oo ah Ajaaniib ka bar-bar dagaallamaysay Ururka Al-Shabaab lagu soo qabtay howlgal Millitari oo ka dhacay Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada hoose, sida ay daabacday Jariiradda Strategic Intelligence.

Saddexdan Nin oo kasoo jeeda Dalka Tansaaniya ayaa lala soo qabtay xubno kale oo iyaguna ka tirsan Al-Shabaab, waxaana Gurigii ay deggenaayeen laga helay Agabka ciidan iyo aaladaha laga sameeya Bambooyinka.

Degmada Afmadoow oo dhacda meel ku dhow xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa waxay qiyaastii 115-km u jirtaa Caasimadda Jubbada hoose ee Kismaayo, taas oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan xagga isu socodka ganacsiga ee Koofurta Dalka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...