Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay tallaabooyin hor-leh oo ka dhan ah Iiraan.

Donald Trump oo mar kale u hanjabay Iiraan, Photo Credit: EPA

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa qabtay Shir saxaafadeedkii laga sugaayay saacaddihii ugu dambeeyay, kaddib markii dowladda iiran ay beegsatay Saldhigyadda Mareykanka ee ku yaalla dalka Ciraaq.

Trump ayaa sheegay qof Mareykan ah in uusan wax ku noqonin duqeymihii gantaallada ahaa ee ay Iiraan adeegsatay, taasoo uu sheegay haddii waxyeelado ka dhalan laheyd ay la kulmi laheyd Ciqaab deg deg ah.

Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay cunaqabateyno hor leh dul dhigi doono Iiraan, si looga jawaabo tallaabada aargoosiga ah ee ay qaadday xukuumadda Tehran.

Dhinaca kale, Trump ayaa ka dalbaday dalalka Midowga Yurub, Ruushka, iyo Shiinaha inay ka baxaan heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan, kaasoo uu dhawaan Mareykanku laalay.

Hase ahaatee madaxweyne Trump ayaan jawaab rasmi ah ka bixinin su’aashii la iswada weydiinayay ee ahayd, “tallaabada xigta ee uu Mareykanku qaadi doono” kadib gantaallada Iiraan ay la beegsatay saldhigyadooda dalka Ciraaq.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...