Monday, May 4, 2026
28.5 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo weerar Khasaaro sababay ku qaaday Dhadhaab & Wararkii ugu dambeeyay.

Gaarisa (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa subixii tallaadada maanta weerar ku qaadday bar koontorool oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin xaafadda Saretho ee duleedka magaalada Gaarisa ee Ismaamulka Waqooyi Bari Kenya.

Kibet Bowen, taliye xigeenka Booliska magaalada Gaarisa, oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, islamarkaana ay iska caabbin xooggan ku sameeyeen dagaalyahannadii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday.

Sidoo kale taliye Bowen ayaa tilmaamay inay ciidamadu toogasho ku dileen labo ka tirsanaa dagaalyahannadii weerarka soo qaaday, isaga oo intaasi ku daray inay ka furteen laba qori oo nooca AK47 ah iyo bambaanooyin.

Taliyaha ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen ilaa afar qof oo rayid ahaa, kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka isaga oo intaa sii raaciyay in ciidamada ammaanku ay sii baacsanayaan firxadka raggii weerarka soo qaaday oo u baxsaday dhanka xuduudda ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Waxay aheyd maalin ka hor markii Ururka Al-Shabaab weerar ay ku qaadeen saldhig lagu magacaabo Simba oo ku yaalla gobolka Lamu, kaas oo ay si wadajir u daganaayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa milatariga Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...