Monday, April 20, 2026
30.5 C
Mogadishu

Mareykanka: Weerar Khasaare geystay oo lagu qaaday guri uu leeyahay Wadaad Yuhuud ah

New York (Halqaran.com) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay gobolka New York ee dalka Mareykanka. Weerarka ayaa ka dhacay guri uu leeyahay wadaad Yuhuud ah, waxaana halkaasi ka dhacaysay markii la weerarayay munaasabad xus ahayd. Ninkii weerarkaasi geystay ayaa sida la sheegay la soo qabtay.

Weerarku waxaa uu ka dhacay guri ku yaala deegaanka Monsey, ee ku yaala waqooyiga magaalada New York sida ay sheegeen Golaha Bulshada Yahuudda ah xilli ay socotay xaflad diini ah.

Ninka weerarka qaaday ayaa baxsaday balse markii dambe waa la qabtay sida ay sheegeen Boolisku .Ujeedda weerarkaan laga leeyahayna ilaa haatan ma cadda.

Qof ka mid ah dadka dhaawacu soo gaaray ayaa lix jeer la galiyay tooraydda sida ay sheegeen Golaha Bulshada Yahuudda.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii Booliska magaalada New York ay qaadeen talaabooyin amniga kor loogu qaadayo gaar ahaanna xaafadaha ay degganyihiin dadka Yahuuda ah, waxaana arrintaan ay ka dambeeysay kadib markii ay soo baxeen hanjabaado Yahuud naceyb ah oo loojeedinaya bulshadaasi.

Ninka weerarka gaystay ayaa isaga oo oradaya galay guriga ay ka socotay xafladda diiniga ah,waana dhisme ay ku noolyihiin Yahuud badan amba ay ku qabsadaan xafladaha diiniga ah.

Yossi Gestetner, oo ka mid ah mas’uuliyiinta Yahuudda ayaa sheegay in xilliga uu weerarku dhacayay ay dad badan ku jireen gudaha dhismaha.

Duqa magaalada New York Andrew Cuomo ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid aan la qbali karin waxaana uu ku tilmaammay ficil fulaynimo ah.

Xigasho – BBC

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...