Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Aqalka sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.

Kulanka Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka, sharciyada hortebinta leh ee horyaalla Golaha Aqalka sare, xiriirka dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Aqalka sare uu wado dardar gelinta sharciyada hortebinta leh ee horyaalla Golaha.

Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay qaabilaadiisa, isagoo ku ammaanay dardar gelinta howlaha muhiimka u ah dalka.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera dib usoo celinta Amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...