Saturday, July 18, 2026
25.2 C
Mogadishu

Xukuumadda Soomaaliya: ”Dalka way ka dhici kartaa doorasho qof iyo cod ah”

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa waxay u muuqataa mid bedeshay fekerkeedii hore ee ahaa inay adag tahay in dalka ka qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah, marka aad eegto xaaladda amni ee dalka.

Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta sheegay inay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, ay labaduba doonayan inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo lagu saleynayo Nidaamka Xisbiyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay doonayan in shacabka Soomaaliyeed ay go’aankooda qaataan, isla-markaana ay soo doortaan ciddii ay doonayaan, haddii ay dib u soo dooranayan dowladda haataan jirta iyo haddii kalaba.

“Waxaan rabnaa Umadda Soomaaliyeed taladeeda inay qaataan oo ciddii ay rabaan doortaan,haddii aynu tartameyno oo dib ay noo dooranayaan oo shan sanadood oo dambe oo halkii aan gaarsiinay meel ka sii fog aynu gaarsiineyno. Umadda Soomaaliyeed bay u taallaa laaakiin waa muhiim in dalka doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo oo Nidaamka Xisbiyadu hirgalo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka oo ka hadlayay daahfurka qorshaha sagaalaad ee Qaranka.

Beesha Caalamka ayaa waxay Khamiistii soo saartay qodobo dhawr ah oo uu ku jiro qodob oranaya waa inay Somaliya ka dhacdaa 2020/2021 doorasho qof iyo cod ah.

Ugu dambeyn, beesha Caalamka ayaa qabta in doorasho qof iyo cod ah ay Soomaaliya ka qabsoomi karto sanadka soo socda, maadaama ay horey uga dhacday, sida ay ku andacoonayan dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...