Muqdisho (Halqaran.com) – Cayaartoyda qurbajoogta Soomaaliyeed ee dalka Britain ayaa waxaa maanta lagu soo dhaweeyay Aqalka Dowladda Hoose Xamar ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Banaadir ayaa cayaartoydan ku soo dhaweysay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, oo ku taala Degmada Xamar Weyne.
Guddoomiye Ku-xigeenada oo uu horkacayay Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere) ayaa xubnahan kulan kula yeeshay Aqalka Dowladda Hoose.
Cayaartoydan ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho, waxaana horey looga codsaday inay farsamooyinkooda ku biiriyaan dhalinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com














