Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Nin Dhallinyaro ah oo lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxo hubaysan ayaa nin dhalinyaro ahaa waxa ay ku dileen Magaalada Muqdisho, iyagoo dilka kadib ka baxsaday goobtii falka ay ka gaysteen.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Faarax Xiirey, kaasi oo la toogtay xili uu watay gaari nooca raaxad ah, isagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay xaafada Al Baraka ee Degmada Hoda, illaa iyo hadda waxaan la garaneyn sababta loo dilay wiilkaan dhalinyarada ahaa.

Marxuum Cabdulaahi Faarax Xiirey, ayaa wuxuu la shaqeynaayay Hay,addo ka shaqeeya arrimaha Gar gaarka, waxaana dadkii yaqaanay ay sheegeen wax siyaasad ah inuusan ku lug laheyn.

Goobtii xalay lagu dilay wiilkaasi dhalinyarada ahaa waxaa tagay Ciidamada Booliska oo baaritaan ka sameeyay, inkastoo aysan jirin cid ay gacanta ku soo dhigeen.

Dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa leh wajiyo badan, maadaama Al-Shabaab kaliya aysan Muqdisho wax ku dilin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...