Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maxay isla meel dhigeen guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya?

Kulanka Guddoomiye Mursal Safiirka Dowladda Turkiga ee Somaliya Mehmet Yilmaz.

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Kulanka ayaa looga hadlay doorashada Soomaaliya ee la qorsheynaayo 2020/2021, xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.

Mudane Mursal ayaa Safiirka Dalka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz uga mahadceliyay taageerada Turkiga ee Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa booqasho ku yimid taliyaha Booliska howlgallada gaarka ah ee waddanka Turkiga,waxaana uu kulamo la qaatay saraakiisha ugu sarreysa Hay’adaha amniga Soomaaliya sida Wasiirka amniga, Taliyaha Booliska iyo xubno kale.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin tababarrada Ciidamada kala duwan sida Booliska, Milatariga iyo ciidanka Cirka, waxaa kale oo uu Turkiga ku lug leeyahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...