Monday, May 4, 2026
28.4 C
Mogadishu

Guddoomiyihii hore G/Hiiraan Yuusuf Dabageed oo si kulul u eedeeyay madaxda maamulka HirShabeelle

Guddoomiyahii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Baledweyne (Halqaran.com) – Guddoomiyahii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay inay  faraha ka baxeen ammaanka deegaannada HirShabeelle, isla markaana madaxda Maamulkaas ay dayaceen.

Dabageed ayaa sheegay inay xirmeen waddooyinka soo gala jowhar, sidoo kalena Al-Shabaab ay wax ka yar 5km u jiraan Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Shir Jaraa’id uu Maanta ku qabtay Baledweyne, kadib markii uu kasoo laabtay Safar uu ugu maqnaa Turkiga ayuu sheegay in Afartii sano ee la soo dhaafay Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle ay ku fashilmeen waxka qabashada dhinaca Amniga.

“Waa nasiib darro in xaalada amni darro intaas la eg ay Hir-Shabeelle ka jirto madaxda hirshabelle ay ka amusaan, waxaan dhihi karaa waa fashilmeen dadka HirShabeelle xukunka haayo ayuu yiri” Yuusuf Dabageed.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ku soo aadaya hadalkiisa xilli waddada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ay ka dhaceen weeraro dhowr ah ,isla markaana ay ka go’een inay maraan Madaxda HirShabeelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...