Friday, June 19, 2026
26.6 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Shirkii Maaliyadda ee Kismaayo oo la soo gabagabeeyay + (Akhri War-saxaafadeedka)

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa gelinkii dambe Magaalada Kismaayo lagu soo geba-gabeeyay shirkii uga furmay Wasiirada Maaliyadda ee Heer Federaalka & Heer Dowlad Goboleed, xilli uu daahfuray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweynaha Jubbaland ayaa saakay furay shirkan, oo uu ka qaybgalay Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kadib markii uu Jimcihii gaaray Magaalada Kismaayo.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray hannaanka wanaagsan ee ay mareyso barnaamijka dayn cafinta ee Somaliya, xilli Mareykanka oo toddobaadkii hore bilaabay in uu daynta ka saamaxo Somaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dalkeena laga cafiyo daynta uu adduunku ku leeyahay, si ay u soo noqoto sharaftii iyo hufnaantii hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Wasiirada ayaa waxay shirkan ka soo saareen afar qodob. Qaybta hoose ka akhriso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...