Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay Weerarkii lagu qaaday Hoteelka SYL iyo tirada dhimashada

Muqdisho (Halqaran.com) – Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa Caawa weerar ku qaaday Hoteelka SYL oo ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.

Weerarka ayaa ku bilowday Bambaanooyin ay dagaalyahanadda ka tirsan Al-Shabaab ay ku weerareen Ilaaladda Hoteelka waxaana kadib u suurta gashay in ay gudaha u Galaan.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmana Cumar Jeeniqaar oo taliye u ahaan jiray Danab, Maleeshiyaadka ayaa markii gudaha u soo galeyn Hoteelka waxa ay rasaas ku fureen dadkii fadhiyay barxadda hoteelka,waxayna  iska caabin ay ka kulmeen ciidamo gudaha ugu jirey Hoteelka.

Dadkii ku sugnaa Hoteelka ayaa bilaabay in ay kala cararaan, waxaana la sheegay in rasaastii socotay ay khasaare dhalisay.

Weerarkaan waxa ku dhintay mid kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banadir oo lagu magacaabi jirey Cabdiqaadir Cumar Cabdi, shaqsiyaad kale oo Hoteelka arrimo ugu sugnaa.

Waxaa ku dhaawacmay labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxana lasoo badbaadiyay dad ku dhow 50-ruux oo ku sugnaa Gudaha Hoteelka Syl.

Dhanka kale, Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in la toogtay labo kamid ah Maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday hoteelka,seddex kalana ay wali dagaalamayaan howlgalkana uu socdo.

Xafiiska Wararka Halqarna.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...