Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo war ka soo saartay Weerarka lagu qaaday Hoteelka SYL ee Muqdisho

Maleeshiyaadka Al-Shabaab /Sawir hore

Muqdisho (Halqaran.com) – Al-Shabaab ayaa ka hadlay weerarka Caawa dagaalyahano ka Tirsan Ciidankooda ay ku qaadeen Hoteelka SYL oo ku yaala meel ku dhow madaxtooyadda Soomaaliya.

War kasoo baxay Ururka Al-Shabaab oo lagu baahiyay warbaahintooda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay hoteelka weerareen, islamarkaana ay gudaha ugu jiraan, ayna wadaan toogasho loo geysanayo Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale.

Al-Shabaab ma aysan sheegin ragga ay ku dileen Gudaha Hoteelka SYL, iyo Tiradda ay dileen, balse waxa ay sheegeen in weerar qorshaysnaa ay ku qaadeen.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...