Wednesday, April 29, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE + XOG: Puntland oo si kulul uga hadashay odayaashii lagu xiray Boosaaso, ‘‘ Waxooda waa burbuin ee tabasho maahin‘‘

Wasiir Cali Xasan Axmed Sabarey

Boosaaso (Halqaran.com) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay hawlgalada ka soconaya Magaalada Boosaaso ee lagu xir xiraayo Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Boosaaso lagu xiray lix ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiga Muuse Cali Jaamac, oo ka mid ah Siyaasiyiinta sida weyn looga garanayo Deegaanada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cali Xasan Axmed (Sabarey) ayaa wuxuu sheegay in xubnaa lagu xir xiray Magaalada Boosaaso ay wadeen arrin kicin ah, oo wax u dhimaya arrimaha ammaanka, waajibaadka dowladda iyo Dastuurka Puntland.

Wasiirka ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in cadaymo fara-badan ay arrimahan u hayaan, kuwaa oo laga xusi karo hub laga helay mid ka mid ah hoyga Odayaasha Dhaqanka, laguna uruurinaayay dhalinyaro, xilli hareeraha Boosaaso ay jooggaan sida uu yiri Shabaab iyo Daacish.

Wasiirka ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay inaanay Magaalada Boosaaso ahayn mid amnigeeda lagu cayaari karo, ciddii damacsana ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay saluugsan yihiin heshiiska Puntland ay la gashay shirkadda DP World oo lagu wareejiyay Dekeda Boosaaso iyo shirkadda kale ee lagu wareejiyay Garoonka Boosaaso. Odayaasha Dhaqanka waxay ku doodayaan inaanay Puntland si faah faahin u cadayn heshiisyadaasi.

Cali Xasan Axmed (Sabarey), Wasiirka Warfaafinta Puntland oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Puntland uu dhawr jeer safaro ku tagey Magaalada Boosaaso, isagoo kulamo uu la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ugu sharxay, sidii ay wax u jireen, hase ahaatee ay weli ka goys adeegayaan.

Wasiirka oo la weydiiyay waxa wada hadalo loogu dayi waayay Odayaasha Dhaqanka, bedelkii la xir xiri lahaa ayaa wuxuu yiri “Tabasho maaha waxooda ee waa burbuin, cidina taa ka yeeli mayso.”

Wasiirka ayaa yiri “Waa kicin amniga wadanka wax u dhimaya, u shaqaynaya dad inaga ina loodin.” Wasiirka ayaa dadka loo shaqaynayo waxaa uu ugala jeedaa Dowladda Federaalka Somaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii heshiisyo ah aanay ahayn shaqo u taala Odayaasha Dhaqanka iyo beel gaar ah, balse ay tahay shaqada Madaxweynaha, maadaama uu yahay ninka ugu sareeya Hoggaanka Maamulka, wax kastana ay yihiin cidda keliya ee lagala xisaabtami karo.

Waxaa uu soo hadalqaaday haddii ay tahay in hehiiskaasi faah faahin laga bixiyo uu Madaxweynuhu hortagay Golaha Wakiilada Puntland, isla-markaana uu u faah faahiyay. Wasiirka ayaa waxaan soconayan waxa uu ku sheegay in maamulka lagu khasbo in heshiis walba oo uu galo uu kala hadlo Odayaasha Dhaqanka.

Wasiir Sabarey ayaa ku hanjabay in waajibeeda la marin doono ciddii ka hortimaada heshiisyada uu Maamulka Puntland la gelaayo shirkadaha dalalka shisheeye laga leeyahay.

Sidoo kale, Wasiir Sabarey ayaa yiri, “Ciddii damacda ee inay sanka ku taagtana waajibkeedaa la marinayaa, taasi kaftan malaha, cayaar maleh, dheel dheelna maaha, haa is waafaqayn sharciga.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...