Sunday, April 19, 2026
29.9 C
Mogadishu

XOG: Puntland oo ka soo horjeesatay guddiga Farmaajo u magacaabay Wada-hadallada Somaliland

Garowe (Halqaran.com) – Maamulka Puntland ayaa waxa uu ka horyimid guddigii uu Arbacadii Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo u magacaabay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay soo dhaweynayso midnimada iyo dhismaha dowladnimada, iyadoo la raacayo sida uu qabo Dastuurka KMG ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland waxay qoraalka ku sheegtay inay qaadacday guddiga Madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay inay Soomaaliya ku metelaan wadahadalada Somaliland.

Waxayna ku andacoonaysaa in hannaanka loo maray magacaabista guddigan aanu waafaqsanayn Dastuurka Qabyo Qoraalka Dalka.

Haddaba, Hoos ka aqri War-saxaafadeedka ka soo baxay Puntland.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...