Sunday, March 15, 2026
29.3 C
Mogadishu

5 Neef Geel ah iyo deeq lacageed oo lagu wareejiyay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, mudane Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa Jimcihii maanta ku wareejiyey $5500 oo dollar iyo 5 neef oo geel ah Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed, si ay qeyb uga noqoto gurmadka looga jawaabayo saameynta qaraxyadii Zoobe2.

Deeqdan oo ay iska-aruuriyeen maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa loogu talo galay in garab istaag loogu muujiyo ciidanka Xooga dalka iyo dadka Deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta iyo dadkii waxyeelada kasoo gaartey qaraxyadii Zoobe2.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS
Xasan Xuseen Maxamed Eelaay oo goobta ka hadley ayaa sheegey inay ka go’antahay xoojinta dadaallada Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed ay ugu gurmanayaan dadkii dhibaatada kasoo gaartey qaraxyadii dhacay sabtidii lasoo dhaafey.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa dhankiisa u mahadceliyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha wuxuuna tilmaamay in deeqda ay keeneyn ay kuso aaday xiligii ugu habooneyd.

Xafiisdka Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...