Friday, November 7, 2025
27.9 C
Mogadishu

40 Garsoore oo loo dhaariyay inay ka hawlgalaan Maxkamadaha dalka +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka,Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed, ayaa la dardaarmay garsoorayaal la dhaariyay maanta oo ka howl gelaya maxkamadaha degmooyinka gobalka Banaadir, maxkamdda gobalka iyo maxkamadda racfaanka gobalka.

Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed, ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay dhammeystirka dadaalladii waqtiga dheer soo socoday ee hagaajinta garoorka iyo guddiyadii kala duwanaa ee imtixaanaadka ku kala saaray ku dhawaad 2000 oo qof oo soo codsaday shaqooyin la xayeysiisay oo kala ahaa garsoorayaal iyo kaaliyaal maxkamadeed.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in hafaka ugu weyn uu ahaa helitaanka Garsoor hufan, madax bannaan, dhexdhexaad ah, karti leh, sumcad leh, ku shaqeeya mabaa’diida shareecada islaamka, dastuurka iyo qawaaniinta dalka oo dhowra xaquuqda aadanaha iyo xaquuqda mawaadiniinta Soomaaliyeed, si taa loo helana ay lagama maarmaan aheyd in iridda garsoorka laga soo galayo ay noqoto caddaalad, daah furan, kana madax bannaan eex, qaraabo kiil iyo qabyaalad.

Garsoorayaasha maanta la dhaariyay oo kamid ah 40 garsoore oo tartankaas adag kusoo baxay, ayuu guddoomiyuhu kula dardaamay inay dadka ula dhaqmaan sidii ay jeclaayeen in loola dhaqmo xilligii ay imtixaanka u gelayeen shaqada, kana shaqeeyaan Soo celinta sharafta iyo karaamada garsoorka oo dib u yagleelaan garsoor loo simanyahay oo ay dadka ugu shaqeeyaan sida caddaalad ah ee iyagu ku yimaadeen, si garsoorku u noqdo Xudunta muraayadda dowladnimada

Garyaqaan Baashe Yuusf Axmed waxuu xasuusiyay garsoorayaasha cusub inaan loo dul qaadan doonin Musuq uuna jiri doono Isla xisaabtan lagana doonayo inay hoggaan u noqdaan, Waxuuna u ballan qaaday inay sare loo qaadayo aqoontooda oo la siinayo tababarro dheeraad ah.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...