Muqdisho(Halqaran.com)- Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad waxaa ay ku meel mariyeen hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.
Fadhigii Guud Golaha ee maanta waxaa soo xaadiray 39 Senator isla markaana waxay xubnaha Goluhu xilka hab-dhowrka u ansaxiyeen laba Senator oo ka mid ah Masuuliyiinta Soo xaadirtay hoolka.
Guddoomiyaha Hab-dhowraha Aqalka Sare ayaa Waxaa loo doortay Senator Samsam Ibraahim Cali ayaa loo doortay ,halka ku-xigeenka Habdhowrka loo doortay Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama).
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





