Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Somaliland” 40,000 oo arday oo Imtixaanka Shahaadiga ugu fadhiisatay Maanta”.

Hargeysa(Halqaran.com)-Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland ayaa saaka si rasmi ah uga furmay guud ahaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland, tirada aradyda u fariisatay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Somaliland ayaa dhan 40,000 oo arday.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay Barta Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biixi uu Ardayda u rajeynayo in ay gudbaan isaga oo alle ugu baryay in uu u fududeeyo Imtixaanka.

Ardayda waxa uu kula dardaarmay in ay kordhiyaan dedaalkooda si ay u tijaabiyaan tacliintii ay barteen oo lagu imtixaannayo si Ardaygii gudba uu usii wato Waxbarashada heerarka kala duwan sida hadalka loo dhigay.

“Waxa aan dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dhammaan Ardayda maanta Imtixaanka ku galeysa Gobollada iyo Degmooyinka Dalka, Ardayda oo kala ah fasallada 8aad Dugsiga Hoose iyo 12aad oo Dugsiga Sare ah waxa aan alle ugu barayaa in uu u fududeeyo kuna guuleeyo geediga waxbarasho ee ay soo wadeen lana barbar-taagnaayeen Waalidiintoodu“ ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

wuxuu carabka ku dhuftay in tirada Ardayda Imtixaanka u fadhiisatay sanadkaan ay yihiin Ardaydii ugu tirada badneed markii ugu horreesay Imtixaanka ugh fadhiista deegaanada iyo degmooyin Somaliland.

waxa uu madaxweynuhu ardaydaasi u rajaynayaa inay guul ka gaadhaan mustaqbalkooda waxbarasho, dalkooda iyo dadkoodana ku anfacaan, halkaana ay ka sii wadaan hayaankooda waxbarasho,

Ugu dambey Wasaaradda waxbarashada Somaliland ee Gobolka Sool ayaa ardayda ku boorisay in ay si degen Imtixaanka ugu shaqeeyaan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...