Sunday, June 21, 2026
25 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Xildhibaanada Labada Gole: DF Somaliya si shuruud la’aan xayiraada ha uga qaado shacabka Kismaayo.

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaano ka tirsan labadda gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo Talaadadii shalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa si deg deg ah u dalbaday in Xayiraada laga qaado Shacabka kunool magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada waxa ay ku baaqeen in dowladda Federaalka in si shuruud la’aan xayiraada looga qaado Jubbaland iyo in loo saaro guddi baaritaan ku sameeya waxyeelada bani’aadanimo ee ka dhalatay cunaqabateyn la saaray reer Jubbaland.

Waxa ay Cambaareeyeen Xayiraada oo sheegeen in ay tahay ku tumashada dastuurka dalka iyo ku tagri falka awoodeed.

Maamulka Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Maamulka Hay’adda ayaa ku wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kismaayo.

Si kastaba, DF Soomaaliya ayaa ku hortageysaa in laga qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu waddo in ay dhaco 26-Bishaan.

Xafiiska Hal qaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...