Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo loogu deeqday Malaayiin doollar ah, Maxaase lagu qaban doonaa?

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Holand ayaa ku dhawaaqday in ay lacag dhan 28 milyan oo Doollar ugu deeqday dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Koofurta Suudaan.

Lacagtan ayay Holand sheegtay in ay ku taageereyso dhanka gargaarka cunnooyinka dalalka muddada dheer la daalaa dhacayay dhibaatooyinka kala duwan.

Deeqdan ay bixinayso Holand ayaa timi kaddib heshiis ay wada sixiixdeen Wasiirka Ganacsiga Holand Sigrid A.M. Kaag, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Beeraha iyo Cunnada Adduunka Qu Dongyu oo ku sugan New Yorka kana qeyb galaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Agaasimaha FAO ayaa sheegay in dalalka ay haleeleen musiibooyinka kala geddisan ay mar walba yihiin dalal ku tiirsan deeqaha gargaarka ah ee la gaarsiiyo, maadaama ay adagtahay in ay horumar wanaagsan ka sameeyaan dhanka wax soo saarka beeraha.

Mudane Qu ayaa tilmaamay in arrintani tahay tallaabo loo qaaday dhanka dadaallada ku tiirsan iskaashiga ee gacanta ka geysanaya yareynta dhibaatooyinka ay macaluushu ka mid tahay ee ay sababaan qalalaasaha ka jira dalalka qaar.

Hay’adda FAO ayaa ah hay’ad u taagan ka jawaabidda baahiyaha iyo gargaarka aadane ee ay fidiso Qaramada Midoobay taasoo daboosha kaliya saddex dalool hal dalool baahiyaha ka taagan dacallada dunida.

Soomaaliya ayaa nasiib u heshay in ay ka mid noqoto dalalka ka faa’iideysanaya deeqdan ay bixinayso dowladda Holand, taas oo la rajaynayo in wax looga qabto dhanka cunnooyinka gargaarka ah ee ay helaan dadka ku tabaaloobay colaadaha iyo abaaraha is xig xigay ee dalka ka dhacay.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...