Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Shir ku saabsan arrimaha Shidaalka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Addis Ababa

Addis Ababa (Halqaran.com) – Wasiir Ku xiggeenka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamud Cabdiqadir Hilaal ayaa shalay ka furay Magaalada Addis Ababa Shir muhiim ah oo ay Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta soo abaabushay.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Xubno ka socda Guddiyada Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Aqal sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasaaraddaha Dowlad Goboleedyada iyo Hay’adaha kala duwan ee bah-wadaagta shaqo la ah Wasaaradda.

Sidoo kale, shirkaan oo ka soo qayb galeen khuburo ka timid wadanka Norway ayaa socon doona maalmo kooban, waxaana diiradda lagu saari doonaa dar-dar galinta ka faa’iidaysiga Kheyraadka, gaar ahaan Shidaal ka sida ugu wanaagsan ee loo maamulo heerar kiisa kala duwan iyo mabaadi’da waawayn ee ay tahay in la ilaaliyo.

Waxa halka uu shirka ka furmay booqday Safiir ka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Cameey asaga oo bogaadiyay ka soo qayb galayaasha una rajeeyay guul iyo gobonimo.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...