XOG XASAASI: Odayaasha Baladweyne oo laalay Amar culus oo ka soo baxay DF Somaliya, ( Maxaadan Ogeyn oo maanta Cusub)?

Baladweyne (Halqaran.com) – Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Baladweyne ayaa waxay si adag uga horyimaadeen amar ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo dhanka kale dowladda ku eedeeyay fara-gelin inay ku hayso reer Hiiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay amartay in ciidan ku sugan Magaalada Baladweyne loo kaxeeyo Gobolka Galgaduud, kuwaa oo ay sheegtay in wixii agab ah ay iyadu siin doonto. Ciidankan oo bilaa hub ah ayay dowladdu ka dalbatay inay taggaan Gobolka Galgaduud.

Odayaasha Dhaqanka ee reer Baladweyne oo Axaddii maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay ka horyimaadeen amarka ka soo baxay Dowladda Federaalka.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay kulanka ka dib sheegeen inaanay ciidamadu ka bixi doonin Magaalada Baladweyne, isla markaana aanay tageynin Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale, Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen in ay faragelin ku hayso bulshada reer Hiiraan, taasoo ay sheegeen inaanay u dulqaadi doonin.

Odayaasha ayaa waxay dalbadeen in ay Magaalada Baladweyne isaga baxaan Saraakiil uu hogaaminayo Taliyaha qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje , oo Sabtidii gaaray magaaladaasi.

Saraakiishan oo iyagu Magaalada Baladweyne kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa waxay sheegeen inay halkaasi u yimaadeen, sidii ay uga qayb qaadan lahaayen gulufka Shabaab looga saarayo Deegaanada Hirshabelle.

Ugu dambeyn, Saacado ka hor ayay ahayd markii Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka horyimid in ciidamada laga kaxeeyo Baladweyne, lana geeyo Gobolkaasi Galgaduud.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com