Wednesday, May 20, 2026
27.2 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Maxaa ka ogtahay kulanka uu RW Kheyre uu Baydhabo kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee Somaliya? + XOG

Baydhabo (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Koonfur Goboleed oo uu ugu horreeyay Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa qeyb ka ahaa kulanka Ra’iisul wasaaraha iyo wakiilada beesha caalamka ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo.

Kulanka RW Kheyre uu la yeesay safiirada iyo wakiilada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlayay wax ka qabashada baahiyha ka jira deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Safarka ra’iisul wasaaraha oo ajandihii ahaa horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga Koonfur Galbeed, ayaa safiirrada iyo wakiiladaba ka codsaday in ay qayb ka qaataan qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka hadlay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo sida ay lagama maarmanka u tahay taageerada barnaamijyada wax ku oolka ah ee laga filayo beesha caalamka.

Safiirada iyo wakiiladii ka qeyb galay kulanka ayaa ballan qaaday in ay dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ka taageeri doonaan qorshayaasheeda horumarineed ee maamulka u dagsan.

Ugu dambeyn, Kulankan ayaa sidoo kale ay uga hadleyn qodobada muhiimka ah ee looga doodi doono Shirka saaxiibada Soomaaliya ee dhici doonaa 1-2 Oktoobar ee bisha soo socota.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...