Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Madaxweynaha Puntland ‘Deni’ oo ku gacan-seeray dalab kaga yimid DF Soomaaliya!

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku gacan seyray dalab ugu yimid dowladda Soomaaliya oo ku aadanaa in uusan ka qeyb galin Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray magaaladda Boosaaso ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweyne Deni,waxaana la xaqiijiyay in Deni ku Gacan seyray dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirrada la kulmay madaxweyne Deni oo dhammaantood ka soo jeeda degaannada Puntland, waxa kamid ah wasiirka Arrimaha debadda Axmed Ciise Cawad, wasiirka Qorshaynta, Jamaal Xasan Maxamed, wasiirka Kalluumeysiga , Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo xubno kale.

Wasiiradda ayaa madaxweyne Deni waxa ay  u soo bandhigeen in la xalliyo khilaafka u dhexeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, si meesha looga saaro mad-nadowga labada dhinac,waxayna dalbadeen in Puntland aysan ka qeyb-gelin munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaan.

Ugu dambeyn, Saciid Deni ayaa wafdiga u sheegay in Puntland mar walba diyaar u tahay in wada-hadal lagu xalliyo, khilaafka kala dhexeeya Villa Somalia, haddii si dhab ah looga wada-hadlayo dhammaan arrimaha ay ku muransan yihiin labada dhinac,balse, wuxuu gebi ahaanba diiday dalabkii ay hor-dhigeen ee ku aaddanaa in aysan Puntland ka qeyb-gelin caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...