Ilaa iyo 19 oday oo ka tagay magaalada Baledxaawo ayaa maamulka magaaladaasi waxa uu u diiday inay soo galaan magaaladaasi.
Diiriye Salaad Raage oo ka mid ah odayaasha ayaa sheegay in loo diiday inay dib ugu laabtaan magaalada Baladxaawo.
”Wax digniin ah oo ay noo sheegeen ama wax yeerid ah ama ay noo sheegeen inaanan meeshaas aadin ma ay jirto.” ayuu yiri Diiriye Salaad oo la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.
Wuxuu kaloo hadalkiisa raaciyay; ”Haddii aanay naga warqabin oo dad laga kala tagay aan noqonnay oo qofba habeen la qabsanaayo oo la iska gowracaayo aan noqonnay inay na dhibaateeyaan un miyey xaq u leeyihiin”.
Si kastaba, Dhibaatada iyo Culeyska soo food saaray Oday dhaqameedkii soo xulay xildhibaannada ayaa u muuqda laba daran mid dooro, iyadoo weli ay waajibaadkooda ka mid tahay soo xulista xildhibaannada heer federaal iyo heer maamul goboleed intuba.
Xafiiska Halqaran.com, Gedo
Halqarannews@gmail.com