Sunday, March 15, 2026
29.3 C
Mogadishu

XOG: Waa imise Odayaashii u tagay Al-Shabaab ee loo diiday in ay guryahoodii Baladxaawo ku noqdaan? +Cabasho

Baladxaawo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Magaalada BaladXaawo ayaa tibaaxaya, in Odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ee ay u yeereen Ururka Al-Shabaab, kaddibna u tagay in loo diiday inay ku laabtaan degaannada ay dowladda ka arrimiso, ee ay markii hore ka tageen.

Ilaa iyo 19 oday oo ka tagay magaalada Baledxaawo ayaa maamulka magaaladaasi waxa uu u diiday inay soo galaan magaaladaasi.

Diiriye Salaad Raage oo ka mid ah odayaasha ayaa sheegay in loo diiday inay dib ugu laabtaan magaalada Baladxaawo.

”Wax digniin ah oo ay noo sheegeen ama wax yeerid ah ama ay noo sheegeen inaanan meeshaas aadin ma ay jirto.” ayuu yiri Diiriye Salaad oo la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Wuxuu kaloo hadalkiisa raaciyay; ”Haddii aanay naga warqabin oo dad laga kala tagay aan noqonnay oo qofba habeen la qabsanaayo oo la iska gowracaayo aan noqonnay inay na dhibaateeyaan un miyey xaq u leeyihiin”.

Si kastaba, Dhibaatada iyo Culeyska soo food saaray Oday dhaqameedkii soo xulay xildhibaannada ayaa u muuqda laba daran mid dooro, iyadoo weli ay waajibaadkooda ka mid tahay soo xulista xildhibaannada heer federaal iyo heer maamul goboleed intuba.

Xafiiska Halqaran.com, Gedo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...