Tuesday, May 26, 2026
26.7 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Maxaa ka jira in Daacish-ta Soomaaliya ay dagaalkeeda u weecineyso dalka ITOOBIYA +(Warbixin lagu sir-baxay)

Muqdisho (Halqaran.com) – Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa muuqaal ay soo duubtay ku muujisay inay dooneyso inay beegsato dalka Itoobiya.

Muuqaalkan ayaa lagu sheegay in Daacishta Soomaaliya ay baahineyso muuqaallo ku tarjuman luuqadda Amxaariga, oo ah mid ka mid ah labada luuqad ee dadka ugu badan ay ku hadlaan, dalka Itoobiya.

Khuburada dhinaca amniga ayaa sheegay in muuqaallada ku tarjuman luuqadda Amxaariga ee Daacish looga dan leeyahay in dagaalyahanno looga qorto dalka Itoobiya.

Muddo ka badan sannad waxaa Itoobiya ka jiray xasillooni darro inteeda badan ku salaysnayd dagaallo u dhexeeya qowmiyadaha kala duwan, waxaana khuburada amniga ay sheegeen in Daacish ay dooneyso in ka faa’iideystao arrintan.

Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaneysa oo sir badan lagu sheegay ka diyaarisay. Hoos ka dhageyso.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...