Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Ma Aqbashay DF Somaliya go’aanka kama dambeysta ah ee Maxkamadda ICJ ka gaartay Kiiska badda?

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayso go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ), ee ay dib ugu dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee Somaliya iyo Kenya.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladdu ogoshahay go’aanka Maxkamadda ICJ oo noqonayo mid kama dambeys ah.

Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Somaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay horey u diiday in dib loo dhigo kiiska badda, ha yeeshee aanay ka weynayn go’aanka Maxkamadda.

“Dowladda Soomaaliya horey ayay u diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda, balse aanay dowladdu ka weynayn go’aanada Maxkamadda.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya.

Maxkamadda ICJ ayaa waxay go’aansatay in dhageysiga dacwadda la amba qaado 8-da illaa 12-ka bisha June ee sanadka 2020.

Go’aanka Maxkamadda ayaa lala wadaagay labada dowladood, si ay u soo diyaarsadaan wixii dood iyo cadayn ah, ee ay la hortaggayan Maxkamadda.

Ugu dambeyntii, waa markii labaad oo Maxkamadda ICJ ay dib u dhigto kiiska murunka badda la xiriira, ka dib codsiyo uga yimid Dowladda Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...