Muqdisho (Halqaran.com) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inuu socdo qorshe ka doonaayo in muwaadiniinta Soomaaliyed loogu sameeyo kaar ka Aqoonsiga muwaadninimada.
Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Agaasimaha Madaxtooyadda Villa Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Xersi, waxaana uu tilmaamay sanadkaan lagu guda jiro ee 2019 in dowladda Soomaaliya ay soo dhaeystiri doonto qorshaha sameynta Kaarka muwaadinka.
Agaasimaha Madaxtooyadda ayaa cadeeyay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliya ay wado arrintaasi, islamarkaana marka la soo dhameystiro qorshahaasi la horgeyn doono Golaha Fulinta Xukuumadda Somaliya.
Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka oo muhiim u ah muwaadiniinta Soomaaliyed ayaanan la ogeyn sida sameyntiisa iyo qaadashadiisaba ay ku hirgeli doonto, maadaama Al-Shabaab meelo ka mid ah dalka ka taliyaan, suuragalna ay tahay qofkii qaataa kaarkaasi inay dilaan.
Qorshaha sameynta kaarka muwaadinka ayaa waxaa isku dayay dowladihii kala duwanaay ee dalka soo maray, inkastoo ay ku fashilmeen arrintaasi.
Agaasimaaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Xersi (Fuursade) ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Aqoonsiga Caalamiga ah oo markii ugu horeysay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com